
Dagaal qasaaro badan geystay ayaa maanta ka dhacay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay dagaalkaasi oo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabab.
Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi, iyaga oo iska cabin xoogan kala kulmay Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.
Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Qansaxdheere, islamarkaana ay gubeen xarun hay’ad Samafal ay ku laheyd degmadaasi.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.
Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ay Ciidamada milatariga halkaasi ka bilaabeen.