Kulanka Golaha Shacabka oo Maanta Furmay

0
68

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa daah furay kulanka maanta oo baaqday labadii maalin ee ugu dambeysay baaqday.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay howlaha horyaala baarlamaanka iyo waqtiga harsan, waxaa sidoo kale uu soo hadal qaday baaqashadii kulamadii u dambeeyay oo kooram la’aan noqday.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale sheeagay in maalinta sabtida kulanka dhici doona looga hadli doono amniga dalka isla markaana aysan good joog ka ahaan karrin warbaahinta.

Kulanka sabtida looga hadli doon arrimaha amaanka ayaa xooga lagu saari doonaa amaanka caasimada Soomaaliya, waxaana soo jeediyay 17 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka.