
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kumaandoosta ee DANAB oo ay wehlinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saakay aroortii hore waxa ay howlgallo ka bilaabeen deegaanada ku yaalla Jiinka Wabiga Jubba ee degmada Jamaame.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in markii hore ay ciidamada dagaal kula wareegeen deegaan lagu Magacaabo malayley oo u dhow degmada Jamaame, isla markaana weli ay howlgalka sii wadaan.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in Goobta ay kala wareegeen Al-Shabaab ay tahay goob ay ku diyaarin jireen waxyaabaha qarxa, sida miinooyinka wadada la dhigo, kuwaas oo mararka qaar ay dadka Shacabka ah waxyeelo kasoo gaarto.
Howlgalada lagula dagaalamayo Alshabab ayaa beryahan waxaa ay sidoo kale si xowli ah uga socdaan gobolka shabelaha hoose taasoo la sheegay in deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabelaha hoose lagala wareegay alshabab.