
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya labadii sano ee jirtay ee la soo dhaafay ay kordheen dhaqaalaha dalka, isla markaana ay bixisay deymihii lagu lahaa.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare kheyre in maalintii ay xilka qabteen ilaa maanta aysan jirin cid dowladda Soomaaliya lacago ku leh, isagoo in ay bixiyeen 100 Milyan oo Dollar oo lagu lahaa dowladda oo isugu jira mushaarka ciidamada iyo qandaraasyo dad la siiyey.