
Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Shabaab ku tilmaamay ku dhawaad 40 xildhibaano oo maanta buuq ka sameeyay kulankii ka dhici lahaa xarunta golaha Shacabka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in Fowdo laga sameeyo xarunta Golaha Shacabka xilli ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiintii Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.