
Laga soo bilaabo dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gardarada ku heysato illaa dooxada Jubbooyinka iyo Jasiiradaha ku teedsan badweynta Hindiya waxaa daadsan beesha Jareer weyne oo kaalin lixaad leh ka soo qaadatey xureynta dalka, faafinta diinta Islaamka, dib u dhiska dalka iwm.
Runtii waxaa la oran karaa beesha Jareer weyne waa udub dhexaadka ummadda Soomaaliyeed marka laga eego: horumarka kale duwan iyo wax soosaarka dalka, iyadoo intaasi jirto hadana kaalintii ay mudnaayeen dhanka siyaasadda iyo walaaltinimada ummadda Soomaaliyeed ma aysan helin.
Tan iyo markii xurnimada dalka la qaatey waxay ahaaayeen Jareer weyne bulsho Soomaaliyeed oo lagu tiirsan yahay oo tiro iyo tayoba leh, hadane waxaa dhacdey in xaquuq badan ay leeyihiin la dhinac marsiiyey ha ahaato dowlad dhexe ama maamul goboleedyada dalka ka jira gaar ahaan: Koofur galbeed, Jubbaland, Hirshabeele, sidoo kale maamulka gobolka Banaadir.
Waxaase la yaab leh in maamulka Soomaalida ee Soomaali Galbeed ay Jareer weyne ay dhaliilsan yihiin oo aysan helin mudnaantii ku habooneyd iyagoo dhul balaaran degaan.
Waxaana shaki ku jirin in ay imaan doonta maalin ay xaqoodii gacanta ku dhigaan oo ay ka baxaan xaq darada lagu hayo, ama ay siyaasadda Soomaalida ay gacanta ku dhigi doonaan sida Oramada ay gacanta ugu dhigtey siyaasadda iyo hogaaminta dalka Itoobiya.
Wey fiicnaan lahayd in bulshada Jareer weyne xuquuqdooda ay helaan, dhibaatooyinka iyo xaq darada lagu hayana ay dhamaato.
Qore Dr Mohamed Hussein Moalin