
Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta weerar ku qaaday guriga Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmada Xudur.
Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidankaan ay qalqal ku abuureen Ammaanka gobolka ayagoo ku andacoonaya in aysan helin wax mushaar ah bilihii lasoo dhaafay.