
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa uu Magacaabay saddex wasiir oo ka mid noqonaya golahiisa Wasiirada,kuwaas oo xilalkooda ay banaanaayeen.
Reysulwasaaraha ayaa waxaa uu wasiirka Dastuurka u magacaabay Saalax Axmed Jaamac xilkaas oo uu ka geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa loo Magacaabay Xildhibaan Sadiiq Warfaa halka Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Magacaabista uu Maanta sameeyey Ra’iisul Kheyre ayaad moodaa mid uu rabo in uu ku badsado taageerayaasha xildhibaanada ah ee difaaci doona xukuumadiisa hadii la damco in lala xisaabtamo.