Wefdi uu Horkacaayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo Maanta Gaaray Magalada Garoowe

0
91

Waxaa maanta gaaray Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), waxaana garoowe ay uga qeyb geli doonaan shirka shannaad ee afhayeennada baarlamanka federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo Bari ka furmi doona Garowe.

Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 11-ka Bishaan, waxaana shalay si hordhac ah Garoowe gaaray Masuuliyiin farsamo oo ka socda Golaha Shacabka iyo Maamul Goboleedyada golaha shacabkasoo uu horkacayo xoghayaha joogtada ah ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.