
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magalada Mmuqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamada ayaa baaritaano guri guri ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag iyo Warta-Nabada, waxaana siweyn looga dareemay howlgalkaas Magalada Muqdisho.
Sidoo kale Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal waxa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyada oo howlgalka laga sameeyey Goobo Ganacsi iyo Guryo ku yaalla deegaankaas.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo, waxaana howlgallada lagu qabqabtay dad u badan Dhalinyaro kuwaas oo saacado kadib badankood la siidaayey.