
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa xalay ay howlgallo ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey.
Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada suuqa Xoolaha qeybta degmada Yaaqshiid, iyaga oo Guryaha qaar baaritaano ku sameynayay.
Howlgalka inta u socday ayaa waxaa lagu soo qabqabtey dhalinyaro aad u fara badan oo qaarkood ku sugnaa wadooyinka iyo, kuwaas oo baaritaano kadib badankood la siidaaye.
Howlgaladan xalay laga sameeyey degmada yaaqshiid ayaan eheyd kuwii ugu horeeyey ee laga fuliyo gobolka banaadir howlgalo noocan oo kale ah ayaa isbuucyadii tagey laga fuliyey degmooyin kale oo ka tirsan gobolka banaadir.