
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay sababta uu maamulka Galmudug uga baaqday kulanka guddoonka Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada uga socda magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Cali Gacal Casir ayaa sheegay in shirkaasi markii hore uu guddoonka guddoonka Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaalya ku casuumay, balse ay heleen warqad ka socota Puntland oo looga reebayo shirka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in xilligan ay Puntland soo fageyso boogo la daweeyay oo u dhexeeyay hoggaanka maamullada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqoonsan doonin qodobada ka soo baxa shirkaasi, maadaama aan loo dhameyn kulanka.