Banaanbax rabshaddaha wata ayaa goordhaweyd waxaa uu ka bilowdey Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xiray inta badan Suuqa Bakaaraha goobaha ganacsiga ee ku yaalla.
Banaanbaxa ayaa ka dhashay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka Boliiska uu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysaneyey Mooto Bajaajl iyo ruuxii saarnaa Mootada.
Darawaladda Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay banaanbaxa wadayaan tan iyo inta Caddaaladda la horkeenaayo Askarigii dilay dadka Shacabka ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah,waxaana heysta dhibaatooyin dadka Shacabka ah.