Dhegeyso Kulankii Shaley ay Yeesheen Duubabka Beelaha Mudulood iyo Farmaajo oo Fashil Ku Dhamaaday

0
61

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaga oo taageero ka raadinaya maalintii shaley isugu yeeray odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, kadib hadalkii gefka ahaa uu shalay ku weeraray dibad-baxayaal ka cabanayey dilalka ciidamada dowladda.

Farmaajo ayaa sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab.

Kulankaasi ayaa waxaa isna ka qeyb galay Wabar Socdaal Raage Wabar Cil-faaf oo ka mid ah duubabka dhaqanka Beesha Mudulood ee ka qeyb-galay kulankii Farmaajo isugu yeeray.

Wabar Socdaal ayaa sheegay in markii uu ku dhiiraday inuu ka dhawaajiyo dhibka shacabka Muqdisho ay kala kulmaan ciidamada dowladda uu colaadin kala kulmay xubnihii ka qeyb galay kulankaas.