Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa raaciyey inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka isla markaana ay wax badan ka bedel doonto qaabka ay beesha caalamka ula tacaali doonto arimaha somaliya.
Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda.
Dowlada Somaliya ayaa juhdi badan ku bixisay sidii ay beesha caalamka uga cafin laheyd deymaha lagu leeyahay somaliya taasoo maalinba maalinta ka dameysa ay soo badaneyso kalsoonida lagu qabo somaliya.