Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirkay yeesheen guddiga Amniga ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.
Guddoomiye Yariisoow ayaa sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaadyadii maalin ka hor dhacay magalada muqdisho wuxuuna sheegay in dhawaan sharciga a horgeyn doono.