Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.
Safiirka la hadley warbaahinta kulanka kadib wuxuuna sheegay in ay kulmeen dhamaan safiirada dalalka africa ee ku sugan dalka koonfur africa ayna ka wada hadleen sidii isku meel uga soo wada jeesan lahaan dhibaatada lagu hayo dadkooda ka ganacsada koonfur africa.