Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maalintii shaley waxaa ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo loogu soo horjeedo Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Qatar.
Banaanbaxayaasha oo si weeyn uga careeysnaa xaalada Amni daro Iyo Cadaalad la’aanta ee ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay Dalbanaayeen in si deg-deg ah Cadaalada loo horkeeno Shakhsiyaadkii ka danbeeyay xasuuqii ka dhacay magaalada baydhabo intii u dhaxeeysay 13 December ilaa 15 December ee sanadkii 2018 iyo in Mukhtaar Rooboow in si deg-deg ah Cadaalada loo horkeeno ama si shuruud la’aan ah Xoriyadiisa loo siiyo isagoo sifa aan sharci aheyn u xiran in ka badan 125 Maalmood.
Sidoo kale banaanbaxayaasha waxeey si weyn ugu careeysnaayeen Xaalada Amni daro ee ka jirta magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan wadooyinkii halboowlayaasha oo dhan laga xiray shacabka iyo Gaadiidka oo ay Hooyooyinka wadooyinka ku Umulayaan qaarna dhiig bax ugu dhimanayaan iyo Dilalka joogtada ah oo ay Ciidamada Dowlada ku haayaan Dhalinyarada wadayaasha Mootada Bajaajka ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho.
Ugu danbeeyntii dibad baxayaasha waxaa ay Madaxweeyne Farmaajo ugu baaqeeyn in uu iska casilo xilka iyagoo u sababeeyay dhowr arimood oo ay ugu horeeyaan Amniga iyo Cadaalada darada baahsan ee ka jirta dalka.