Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arimaha Siyaadda oo xalay Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu jiro banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dowladda kaas oo la qorsheynayo in Muqdisho maalmaha soo socdo uu ka dhaco .
Waxa uu sheegay in banaanbaxa ay qaban qaabinayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeeda ayna u adeegsanayaan dadka barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho,isaga oo sheegay in lagu bixinaayo qarashaad farabadan.