Abuurkii Qaranka Soomaaliyeed Iyo Doorka Ay Ku Lahaayeen Odayaasha Digil Iyo Mirifle, Hawiye Iyo Daarood

1
119

Sida ku cad waraaqaha keydka ee yaala United Nations iyo maktabaha waaweyn ee aduunka, waxay cadeeynayaan abuurkii qaranka Soomaaliya 1940 iyo qaybta ayku lahaayeen beelaha Soomaaliyeed.

Sawirka:

1) ISLOOW CUMAR, waxaa kor taagan Isloow Mahadale oo ahaa walalkiis ka yar, wuxuu masuul ka ahaa astaanta ay yeelaneeyso dowladda dhalan doonto ee Soomaaliyeed sida ay noqon lahayd. Waxaa kaloo wehliya Adeer Ilmondo.

2) Sultaan Keynadiid waxaa dhinac fadhiya Yaseen Ali Sharmarke oo ayagana ka masuul ahaa dowladda dhalan doonto hab maamulkeeda sida uu noqon lahaa.

3) Sheikh Abdulaahi Bagadi oo ahaa abaha fikirkii Federaalka waxaa dhinac fadhiya Sheikh Sakawadin, waxaa korkiisa taagan Abukar Kassim aniga aabaheey. Wuxuu ka masuul ahaa dastuurka dalka lagu dhaqi doono.

Dagaalkii labaad ka dib 1947 waxaa Newyork u safray xarunta qaramadda midoobay wafdigii ugu horeeyay Soomaaliyeed ee soo saxiixay 10 kii sano ee istiqlaalka si dalka Soomaaliya loo gaarsiiyo xurnimadda 1960.

Odayaasha go’aanka lahaa, sida Isloow Omar, Sultaan Keynadiid iyo Sheikh Abdulaahi Bagadi, waxay go’aan ku gaareen inuu wafdiga ahaado Yaseen Ali Sharmarke, Abukar Kassim, Isloow Mahadale iyo adeer Ilmoundo.

Waxayna odayaasho fareen ragaas inay soo saxiixaan in mudo tobon sano dalka lagu diyaariyo inuu xuriyadiisa gaaro, uuna gaarsiiyo Talyaniga.

Habadaba maxaa dhacay?

10 kii sano waxaa dhacay qaladaad badan oo ilaa maanta ay Soomaaliya ka kaban la’dahay. Wali baaris baan noo socoto ma doonaayo inaan ka hor dhaco. Waa dul mar taariikh.

Waxaa kaloo cadaymo loo hayaa beelaha Soomaaliyeed doorkii ayku lahaayeen aas-aaskii dowladnimadda Soomaaliyeed.

Sheiknor

1 COMMENT

  1. Sohdin wareertey abaa loo celiyaa waxaa qabaa in weli dib haloo celiyo taariikhda waayo 1940kii waa meeshii qalooca maanta jira halkii uu ka soo bilowdey

Comments are closed.