Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed(Ameerika) ayaa sheegay in banaanbax in la qabtaa aysan wax weyn aheyn, hayeeshee loo baahan yahay in la cadeeyo u jeedkiisa, isla markaana ogolaansho laga heysto laamaha Amniga Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay taliyaha in xilliyada banaanbaxyada la qabanayo ay jiraan dad burcad ah oo kusoo dhex dhuumanaya, kuwaasoo dhac u geysanaya hantida dadweynaha, isaga oo ka digay in Muqdisho ay banaanbaxyo ka dhacaan.