Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeedka Cabdicaziiz Laftagareen la sheegayaa in u guuray magaalada Muqdisho kadib markii uu waayay dhaqaale uu shaqada kuwado isagoo jooga magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ayaanan heysan ilo-dhaqaale, sidoo kale ma jirto canshuur ay qaaddo marka laga reebo isbaarooyin u yaalla gobolka Shabeellaha Hoose oo dadka lacagaha looga gurto.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Daafeet Media u sheegay in guurista Laftagareen ay timid kadib markii madaxda dowladda federaalka ah ay ugu baxeen ballan ay horey ugu qaadeen Laftagareen oo ku saabsaneyd inay siin doonaan dhaqaale ku filan oo uu ku maamulo Koonfur Galbeed.
Ballan-kabaxa madaxda dowladda ayaa loo sababeeyay in dowladda federaalka oo dooneysa deyn-cafin shardi loogu dhigay inay la dagaallanto musuqa, sidaa darteed Laftagareen waxaa loo sheegay in dhaqaalaha uu sugo in muddo ah, laakiin uu u adkeysan waayay lacag la’aanta taasoo sababtay inuu si deg-deg ah ugu soo guuro magaalada Muqdisho.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya iyo kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maamul dhan madaxdii u talinayay ay dhaqaale darri awgeed u faarujiyaan guud ahaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa layaab iyo amakaak ku noqotay dad badan in baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ansixiyay malaayiin dollarka Mareykanka ah oo lagu sheegay bajadka 2019-ka ee maamulka, kaasoo aanan xitaa awood u yeelan maareynta lacagaha maalinle ah ee ku baxa aqalka madaxtooyada ee uu deggen yahay Laftagareen.
Aqoon yahanno reer Koonfur Galbeed ayaa horey ugu hingoobay talooyin ay u jeediyeen Laftagareen taasoo ku saabsaneyd sidii loo dejin lahaa qorshe dhaqaale taasoo horumar gaarsiin karta Koonfur Galbeed, maadaama Koonfur Galbeed uu yahay kan ugu horeeyo dalka marka ay timaado wax soo saarka.
Haddaba waxaa is weydiin mudan ilaa intee ayuu Laftagareen Koonfur Galbeed ka maamuli karaa guri ku yaalla magaalada Muqdisho? Shacabka Koonfur Galbeedse goormey garan doonaan inay u istaagaan sidii ay isaga hor leexin lahaayeen dallaaleyda siyaasadda ee uu ugu horreeyo Laftagareen iyo kuwo kale oo badan?