Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in sharcigas uu joojin doono waxyaabaha dhaca ee dalka la keeno,isla markaana dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ujeedada Hay’adaas loo dhisaayo ay tahay xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.