Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta la hadlayey ciidamo ku sugan gobolka shabelaha hoose ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhin doonto Ciidanka ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Shabeellaha Hoose.