Wasiirka Dastuurka oo Ka Hadley Sidii Loo Dardargelin Lahaa Dhameystirka dastuurka

0
62

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Somaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir gudoomiyey kulan u u dhexeeyey Wasaaradda Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulankani ayaa ujeedadiidu aheyd sidii loo dardar gelin lahaa isla markaana looga mara dhalin lahaa ansaxinta dastuurka qaranka oo qaatay mudo dheer.

Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay in dastuurka lagu dhamesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku ballamay shir kale oo ay uga arinsanayaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka.