Maamulka degmada Xamarweyne ayaa Suuqa degmadaasi Maanta waxa ay ka bilaabeen howlgal lagu burburinayey dhismayaasha sida Sharci darrada ah looga dhistay gudaha suuqaas.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in howlgalkas ujeedkiisu uu ahaa in la isku furo wadooyinka degmada Xamarweyne oogoobo Ganacsi oo sharci darro ah laga dhistay.
Taliyaha qeybta Nabadgelyada Wadooyinka Janeraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale ayaa digniin u diray dadka Wadada dhexdeeda ku Ganacsada ee Waratada loo yaqaano.