Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah furay Shirka Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo furitaanka kulankaas ka hadlay ayaa culimada ku adkeeyey inay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyarads somaliyeed oo ay marin habaabiyeen kooxda aslhabab, isla markaana kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.
Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda.