Kulan ay ku yeesheen Magalada Kismaayo Guddiga amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen adkeynta amniga, xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo diyaar garoowga Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sharaxay amarada kasoo abxay guddiga amniga maamul Goboleedka Jubbaland, isaga oo digniin u diray darawalada Gaadiidleyda ka howlgalla Magalada Kismaaayo.