Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay.
Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga sameeyeen xaafada Taleex ee degmada Hodan,waxaana ay baaritaano ku sameynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Xaafadaasi dhexmarayey iyo sidoo kale dadka.
Sidoo kale Ciidamada ayaa la arkayey, iyaga oo dad u badan dhalinyaro isugu keenay goob fagaaro ah oo ku taalla Xaafada Taleex, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen in baaritaano lagu sameeyey intooda badana lana siidaayey.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin howlgalka xalay laga sameeyey xaafado ka tirsan degmada Hodan Ee Gobolkan Banaadir.