Dhegeyso Kheyre oo Sheegay In Labada Sano ee Soo Socota Ka Shaqeyn Doono Xasilinta Siyasada

0
97

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka hadlay qorshaha ay qaban doonto xukuumaddiisa labada sano ee soo socota.

Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in labada sano ee soo socota ay ka shaqeyn doonaan horumarinta siyaasadda dalka iyo qorshayaasha lagu hoggaamin doono, kuwaasi oo ay doonayaan inay ka qeyb qaataan dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed, maamul gobaleedyada iyo madax dhaqameedyada soomaaliyeed.