Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxa ay shaaciyeen inay wadaan mooshin ay ku doonayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre in uu ku hor-yimaado Golaha Shacabka Soomaaliya si ay wax uga weeydiiyaan wax ka qabashada xaalada dalka oo ay sheegeen in Xukuumadda ku fashilantay.
Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay wadaan qorshahaas ah in Ra’iisul Wasaaraha hor yimaado Baarlamaanka,isla markaana ay su’aalo dhwor ah weeydiiyaan.