Dhegeyso: Xukuumada oo Mucaaradka Ugu Baaqday Iney La Shaqeeyaan Dowlada

0
67

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay Shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shirkaasi ka hadlayey ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta ka qeyb gashay shirka Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda .

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowladda Soomaaliya ay haatan wado isku raadin dadka Soomaaliyeed laakiin mucaaradka ku shiraya dalka dibadiisa looga baahan yahay in aysan orodka ka badin hadii aysan ka tanaasuleyn mucaaradnimada.