Ciidan boolis ah ayaa laga howlgaliyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho, iyadoo saraakiisha laga soo xigtay ciidammadan dheeraadka ah inay sugayaan amniga muddada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ciidammada ayaa inta badan lagu arkayay xilliga afurka isgoysyada Muqdisho waxaa ay baarayeen gaadiidka iyo dadka isticmaalaya wadaayinka muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo maalintii shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guul laga gaaray howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho.
Hay’addaha amniga waxaa ay sheegayaan inay feejignaan dheeraad ah muujinayaan, si baa la yiri looga hortago weerarro ka yimaadda al-Shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan.