Gaari Laga Soo Buuxiyey Waxyaalaha Qarxa oo Maanta Lagu Qarxiyey Xarunta Degmada Warta Nabada

0
150

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa dhawaan lagu qarxiyey xarunta degmada warta nabada sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal a,

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qarax maaanta lagu weeraray xarunta degmada Warta-Nabadda ( Ex Wardhiigley ) ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiinayaa in ay ku dhiteen qaraxa oo loo adeegsaday gaari gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey wax-yaabah qarxa, xilli sida la sheegay dad barakacayaal ah deeq loogu qeybinayay xarunta.

Dhanka kale Hay’adaha ammaanka ee dowladda iyo maamulka degmada Warta-nabadda ayaan weli kasoo bixin wax war ah oo looga hadlay qaraxa.

Xarunta uu qaraxu ka dhacay ee degmada Warta-Nabadda ayaa ku taala dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in uu ahaa gaari uu la socday qof ismiidaamiye ah ama gaari goobta la soo dhigay.