Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan.
Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay.
Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka hortabinta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.