
Wararka naga soo gaaraya Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in markale Al Shabaab fal toogasho ah ay ka fuliyeen gobolkaaasi.
Illaa shan qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka ayey toogteen Al-Shabaab.
Toogashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.
Goobta lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’iskuugu yeeray halkaasi.
Magacyada ragga la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen:
1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubbaland.
3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.
4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu basaas u ahaa maamulka Koonfur Galbeed.
5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay ciidamada Bangaraafta Mareykanka.
Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac ay fulinayaan dhaq dhaqaaqan Al-Shabaab, waxaana shalay gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen illaa 5 qof oo sidoo kale ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.