Dowlada Federaalka oo Mudadii u Kordhisay Shirkada Favori ee Maamusha Airporka Muqdisho

0
91

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay sababta ka dambeysa in markale Qandaraaska loo kordhiyey shirkadda Favori oo maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo faah faahiyey heshiiskan ayaa sheegay in dib u dhis ay shirkaddu ku sameyn doonto dhismaha garoonka.

Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Favori lacag dhab 14 Mliyan ay ku maal gelin doonto Aadan Cadde, taas oo lagu hormarinayo adeegyada garoonka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqadan lagu qaban doono muddo 2 sano, sida ku cad heshiiskan oo ay shalay saxiixeen golaha wasiirada Somaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa intaasi ku daray in sababaha loo kordhiyay heshiiska shirkaddan uu yahay, markii ay xukuumaddu aragtay, sida uu kordhay duulimaadka gaaroonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.