
Afar nin oo ah maleeshiyo hubeysan ayaa is hortaagtay cabir lagu sameynayay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose bilaawgii todobaadkaan.
Ragaan ayaa soo eryay shaqaale Turki ah oo cabirayay Laamiga iyo dhowr Askari oo la socotay kadib markii ay weydiisteen lacag baad ah.
Shirkadda dhismaha ee waday shaqaalahaan ayaa ku wargelisay Dowladda Soomaaliya, waxaana kadib loo diray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaas oo toogasho ku dilay 2 qof halka 2 kalane ay dhaawaceen kadibna ay soo qabteen.
Sidoo kale, Booliiska ayaa hubkii ka qaatay ragan waxaana la sheegay in ay ahaayeen kooxo isbaarooleey ah. oo dariiqa dadka ku dhibaateyn jirey Arintaan ayaa ka dhacday agagaarka degaanka Sarkuusta waxayna aad ugu dhowdahay halka loo yaqaano Xaafadda Galmudug.
Hey’adaha amaanka wali arintaan kama aysan hadlin balse waxaa taagan xiisad ka dhalatay dadka la dilay. Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Xoogga dalka, Baarlamaanka iyo siyaasiin kale ayaa la sheegay in ay ku doodayaan in dadkaan aysan is hortaagan dhismaha balse ay toogasho toos ah u geesteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya.