Wasiirka Arimaha Dibada oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulan uu La Qaatey Wakiilada Beesha Caalamka

0
84

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Markii uu shirka uu soo dhamaaday ayaa Wasiirka arimaha dibadad Soomaaliya saxaafada u sharaxay waxyaabihii kasoo baxay kulanka uu la qaatay qaar kamid ah Safiirada wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qarannimadda Soomaaliya iyo Wada-jirka Umadda Soomaaliyeed.

Mr Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dowladu shisheeye oo ka shaqeenaya hagar daamo kuna xad gudbaya midnimada Soomaaliya, waxa uuna dowladahaasi uga digay in ay ka waantoobaan ficilada ay ku dhaqaaqayaan.