Gaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey oo Ku Qarxay Isgoyska Digfeer

0
85

Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Qaraxaan oo ahaa gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyey, wuxuuna yaalay meel u dhow isgoyska Digfeer.

Ku dhawaad hal saac ayaa gaariga waxaa ku hareereysnaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen Laba Qof.

Ciidamada Dowladda ayaa markii hore gaariga ku riday xabo kor ah, balse dadkii saarnaa marnaba way diideen inay soo dagaan.

Ugu dambeyntii Ciidamada ayaa rasaas toos ah ku furay gaariga taasoo keentay inay is qarxiyaan dadkii saarnaa.