
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.
Waxaa kalanka maanta soo xaadirey 140 xildhibaan waxaana xeerkan u codeeyey 139-xildhibaan cid diidday ma jirto, hal Xildhibaan ayaana ka aamusay ,sidaas ayuuna ku ansaxay
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.