
Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen labada dhinac.
Sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku darto kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galineyso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka.