
Kulan ay maanta magakada muqdisho ku yeesheen Guddiga Amniga ayaa waxaa ay kasoo saareen amaro dhinaca Amniga oo la farayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidleyda ku nuul Magalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Eng Cabdiraxmaan Cumar iyo Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Banaadir, waxana kulankaas uu daba socday,kadib falal amnidarro oo ka dhacay Magalada Muqdisho.
Amarda laga soo saaray Kulankaas ayaa waxaa Warbaahinta u sharaxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in marnaba Magalada Muqdisho aan lagu arki karin askarta ku labisan dareeska Millateriga, waxaana qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda uu ka dalbaday inay joojiyaan ilaaladooda oo mararka qaar lagu arko gudaha Magalada.