Dowlada Somaliya oo Sheegtey In Aysan wax Wada hadal ah ka Geli Doonin Kiiska Horyaala Maxkamada Aduunka

0
89

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ku aaddan inay wada-hadal ka galeyso kiiska horyaalla Maxkamadda adduunka ee ICJ.

Kiiska oo la xiriira sheegashada ay kenya sheeganeyso qeyb ka mid ah biyaha oo beryahan dambe lagu wadwadey baraha bulshada ay ku kulanto ayey xukuumada somalilya sheegtey in aysan waxba ka bedelin mowqifkeedii hore.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.” ayuu yiri agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Abdinuur Maxamed Axmed.

Kiiskan ayaa loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhaxeeyso 9-ka September iyo 13-ka ee sannadkan.