Dalaaliintii Iibsadey Gobolka Shabelaha Hoose Xiligii RRA oo Soo Laba Kacleeyey Iyo Dadkii Deegaanka oo Iska Hurda

1
82

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah Dagaal oogeyaashii Umula dooxa ahaa ee Gobalada Baay iyo Bakool loo adeegsanayo sidii loo burburin lahaa Nuurka kasoo bidhaamay Magaalada Marko Cadey iyo guud ahaan Gobalka Shabeelaha Hoose

Dagaal oogayaashan ayaa lasiiyey qandaraas ah $50.000 Kontan Kun oo Doolar sidii ay Cabdicasiis Lafta Gareen uga dhaadhicin lahaayeen in isbedel lagu sameeyo dhamaan maamulka gobolka shabelaha hoose iyo degmooyinkiisa laguna soo daro maamulka dad aan u dhalan deegaanka.

Kooxdan ayaa waxaa ay gacansaar hoose la leedahay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada dhexe oo doonaya iney afduubaan mar kale gacan ku heynta gobolka shabelaha hoose wexeyna hada diirada saarayaan sidii loo bedelli lahaa maamulka Degmada Marka si halkaasi u geystaan kuwa ayaga hadalkooda maqla maadama looga itaal roonaaday gacan ku heynta degmada.

Labada maalmood ee soo socota aya la filayaa in Cabdicasiis Lafta Gareen uu soo gaaro Degmada Marka hallkaasi oo ay ka socdaan abaabul aad u weyn sidii halkaasi loogu soo dhaweyn lahaa, ayadoo dhanka kalana laga warsugayo kooxdaasi dalaaliinta ah in ay Cabdicasiis Lafta gareen ka dhaadhiciyaan barnaamijka ay dhaqaalaha kusoo qaateen inta uu ku sugan Degmada Marka.

Masiirka gobolka shabeelaha hoose ayaa u muuqda in mar kale uu gacanta u galey kuwii horey u beeciyey xiligii RRA ay damacsaneyd in ay gobolka ka xoreyso kuwa hada ku haminaaya in ay mar kale adeegsadaan qaar ka mid ah kuwii ay horey u adeegsadeen taasoo nasiib daro hor leh ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee walaalaha reer Galmudug ayaan weli garaadkooda siyaasadeed gaarin in ka gudbaan adeegsiga calooshood u shaqeysatayaasha mar walba u heelan beecinta iyo dhibaateynta gobolkla shabelaha hose isla markaana u gudbaan sidii ay ula xaajoon lahaayeen dadka deegaanka.

1 COMMENT

  1. Qoomiyad tiro badan ,hadana awood laheyn waa koonfurgalbeed dadkeyduna lagu gumaadaayo gobalada dhex iyo boosaaso

Comments are closed.