Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Maanta Xukun Dil ah ku Fulisay 3 Dhalinyaro

0
51

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex rag ah oo loo heystey inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magalada Muqdisho Sanadkii 2017.

Ragga dilka lagu fuliyay saakay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi Naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji oo dhamaantood la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab.

Maxkamada ciidamada ayaa dilalka ugu badan ku fulisa xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo Askarta ciidamada dowladda ee lagu helo fal danbiyeedyada isugu jira dilalka iyo weerarrada qorsheysan.