Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu booqasho ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana booqashadaas dhaliil ka keenay Maamulka puntland oo deegaan ahaan maamula.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka weecday maqaamka sare oo ay ugu talo galeen inay kusoo dhaweeyaan, isla markaana qorshayaal kale oo u gaar ah uu la tegay Gaalkacyo.