Maddaxweynaha Dowlada Federaalka oo ka Hadley Dagaalada Ka Socda Deegaanka Ceel Afweyn

0
58

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota degaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.