Rag Dhac Ka Geysan Jirtey Degmada Dharkanleey oo Gacanta Lagu Dhigay

0
71

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku soo bandhigay degmada Dharkiinley rag la sheegay inay dhac u geysan jireen bulshada iyo hub ay wateen.

Lix nin oo maamulka uu ku eedeyay inay burcad ahaayeen iyo hubka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidammada amniga ka sameeyeen caasimadda Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay xeer ilaalinta maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in mamulka gobolku uu dagaal iyo daba gal xooggan ku hayo kooxaha burcadda ah ee dadka ku dhibaateeya gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa ugu mahadceliyay ciidammada amniga shaqada ay qabteen ayaana ku bogaadiyay inay ballaariyaan hawlgalada ay amniga ku xaqiijinayaan, isagoo.