Qarax dhawaq culus ayaa goor dhow ka dhacay koontaraalka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimaadda Muqdisho.
Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah caasimadda Muqdisho, iyada la arkayay qaac cirka isku shareertay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Ma cadda ilaa hadda nooca uu qaraxa ahaa, wallow wararka soo baxaya ay sheegayaan in gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa inuu ka dhashay, sidoo kale waxaan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Ciidammada amniga oo markiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray waddooyinka laga soo galo goobta uu ka dhacay, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaa.